Dad loo xiray qishka imtixaan lagu qaaday dalka Bakistaan

0
130

Baladwayne ( Radio Beerlula )-IBooliska Gobolka Khyber Pakhunkhwa ee dalka Bakistaan ayaa soo xiray sagaal qof oo ka tirsan waaxda tacliinta sare, iyagoo lagu eedeynayo inay bixiyeen qishka imtixaanka ogolaanshaha Kuliyadda Caafimaadka. Sida laga soo xigtay Booliska, kooxdan ayaa qaadatay lacag u dhaxaysa 2.5 illaa 3.5 milyan oo Rubbi, taa badalkeedana waxay bixiyeen nuqul kamid ah imtixaanka oo ay ku direen aaladda waxa la isugu gudbiyo ee bulutuuth.

Booliska ayaa qabtay 44 Aaladood oo elektaroonik ah, afar makarafoon, sedex moobeyl , iyo saacadda nooca caaqilka ah kuwaas oo lagu qiimeeyay kumannaan Rubbi, meelo kala duwan oo kamid ah Gobolka Khyber Pakhunkhwa oo ay ku jirto magaalada Bishaawar.

Imtixaanka ayaa la qaaday 10 kii bisha Samteembar, kaas oo ahaa ogolaanshaha ku biirista Kuliyadda Caafimaadka, waxana lagu qabtay 44 goobbood, iyadoo ardeyda u fariisatay ay gaarayaan 46 kun.