Dad muhaajiriin ah oo xeebaha Tunisia ku dhintay

0
100

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Mas’uul ka tirsan maxkamadda dalka Tunisia ayaa sheegay in inta la og yahay saddex iyo toban qof oo tahriibayaal ah ay dhinteen, kaddib markii doontii ay la socdeen ay kula degtay xeebahaas.

 

Meydadkooda ayaa la helay, halka todoba iyo labaatan kale la la’yahay.
Labo qof oo keliya oo la socday dadkaas ayaa ka badbaaday.

 

Dadkan ayaa dhammaantood la sheegay inay ahaayeen dad reer Suudaani ah.