Dad tacsi ka soo laabtay oo shil gaari ku geeriyooday

0
120

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Gaari bas ah oo ay saarnaayeen dad tacsi ka soo laabtay ayaa ku burburay galbeedka Kenya, waxaana ku dhintay 25 qof, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

Darawalka ayaa xakameyn waayay gaariga, waxa uuna ka baxay waddada waxa uuna ku rogmaday bohol ku teedsan waddada weyn ee Kisumu-Kakamega, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray booliiska.

Deegaankan ayaa caan ku ah shilal badan oo dhimasho sababay.

Booliska ayaa sheegay in 10 haween ah, 10 rag ah iyo hal gabar yar ay ku dhinteen goobta, iyadoo 20 ka mid ah rakaabka ay ku dhaawacmeen, oo shan ka mid ah ay halis yihiin.

Afar qof ayaa markii dambe ku dhintay isbitaalka, sida ay saraakiishu sheegeen.

Rakaabka ayaa ka soo laabtay goob uu aas ka dhacayay, waxaana la rumeysan yahay in dhammaan ay ka soo jeedaan hal qoys.

Sababta shilka dhalisay weli ma cadda, sida uu booliisku sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here