Dad tiro badan oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday dalka Yemen

0
110

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 78 qof, ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday iskuul ku yaalla caasimadda Yemen ee Sanca, oo ay ka socotay qeybinta sadaqada bisha Ramadaan, sida ay saraakiishu sheegeen.

Muuqaalo laga soo duubay TV-ga, ayaa muujinaya dad aad u fara badan oo aan awoodin inay dhaq dhaqaaqaan, iyo in badan oo ku dhibaateysan nawaaxiga Bab al-Yemen ee magaalada.

Boqolaal qof ayaa lagu soo waramayaa inay isugu soo baxeen Dugsiga Maeen goor dambe oo arbacadii ah, si ay u helaan tabarucaad dhan $9 qofkiiba.

Dad kale oo ku dhaawacmay isbuurashadan ayaa hadda lagu dabiibaya isbitaallada magaalada Sanca oo xiligan ay gacanta ku hayaan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee fallaagada ah tan iyo sanadkii 2015-kii.