Dad u socday dabaaldagga Mowliidka oo shil gaari ku dhintay.

0
44

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 40 qof oo Muslimiin ah ayaa ku dhintay shil ka dhacay gobolka Kaduna ee waqooyiga Nigeria.

Dadkaan ayaa u safrayay magaalada Saminaka ee waqooyiga dalkaas si ay uga qeyb galaan dhalashada Nabigeenna Maxamed NNKH oo bisha Mowliid sanadkasta la xuso.

Shilka ayaa yimid kadib markii bas ay la socdeen uu ku dhacay gaari xamuul ah, waxa ayna marayeen meel u dhow magaalada Lere, sida uu sheegay mid kamid ah qabanqaabiyayaasha xafladda Mowliidka.

Axmad Dayyabu oo ka tirsan qabanqaabiyayaasha xafladda ayaa BBC-da u sheegay in dhimashada ay gaartay 40-qof, halka dhaawacyadana ay gaareen 31-qof.