Dadaad ka dhalan doonta roobab mahiigan oo laga cabsi qabo inay ka da’aan Baladweyne oo laga digay.

0
106

Baladweyne (Radio Beerlula)-Agaasimaha guud ee wasaaradda gargaarka iyo mareynta masiibooyinka Hirshabeelle Cabdifataax Maxamed Yuusuf ayaa radio Beerlula u sheegay in bilaha October ilaa December la filayo inay da’aan roobab mahiigan ah oo wata dabeylo kuwaasoo laga cabsi qabo inay ku dhuftan qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan, shabeellaha dhexe iyo deegannada kale ee ay maran wabiyadda shabeelle iyo Jubbadda.

Sida xogta hordhaca ah ay tilmaameyso magaalada Baladweyne ayaa ka mid ah meelaha ugu horeeya ee laga cabsi qabo inay ku dhuftan dadaad ka soo rogmaday webiga shabeelle iyo roobab mahiigan ah.

Warbixintan waxaa inoo haya  Cabdiqadir Cumar Ibraahim.