Dadaalo lagu dhisayo Dowladda bakistaan oo wali socda

0
124

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dadaallada lagu doonayo in lagu soo dhiso dowlad ayaa ka sii socda dalka Pakistan ka dib markii doorashooyin adag oo la isku qabtay lagu waayey hal xisbi oo hanta aqlabiyaddii loo baahnaa.

Kutlada labaad iyo seddexaad ee ugu weyn – oo ay kala hogaaminayaan Nawaz Sharif iyo Bilawal Bhutto – ayaa ku jira wada xaajood rasmi ah oo ku saabsan in ay samaystaan isbahaysi. Kulamada ayaa sii socda maanta.

 

Pakistan ayaa wajahaysa todobaadyo hubanti la’aan siyaasadeed ah iyadoo ay jiraan musharixiin madax-banaan oo daacad u ah ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan, kuwaas oo helay kuraas ka badan xisbiyada kale.