Dadka dhawaan is guursaday ee Zimbabwe oo ay ka khaldameen warqadaha guurka.

0
53

Baladweyne(Radio Beerlula)-Kumanaan qof oo dhawaan is guursaday oo ku nool dalka Zimbabwe ayey layaab ku noqtay markii ay ogaadeen in warqadaha guurkooda aysan sax ahayn.

Waxaa soo baxday in shahaadooyinkii la bixiyay 18kii bilood ee la soo dhaafay ay meesha ka baxayaan – taas oo saameyn karta dhammaan lammaanayaasha is guursaday muddadaas.

Arrintan ayaa soo shaac baxday markii waaxda sharciga ee Zimbabwe ay soo saartay digniin ku socota qareennada dalka oo dhan.

Waxay xustay in qalabka warqadaha ee loo isticmaalay shahaadooyinka guurka madaniga ah uu ku jiro cutubka xeerka guurka oo la bedelay, kaas oo la tirtiray 2022.

Sharciga cusub oo dhaqan galay Sebtembar 2022, wuxuu keenay isbeddello ballaaran, oo ay ku jiraan xuquuqaha waaweyn ee lammaanaha isguursado.

Waxay kaloo dembi ka dhigtay guurka caruurta.

Sharciyaqaanadu waxay kula taliyeen dadka ay khusayso in ay shahaadadooda geeyaan waaxda diiwaanka, kaas oo saxi doona shaabadna u saaraya dukumentiga.