Dadka heysta baasaboorka Kenya oo loo sheegay war farxad leh

0
105

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dalalka Kenya iyo Koonfur Afrika, ayaa ku heshiiyay in dadka Kenyaanka ah ee haysta baasaboorka dalkaas, ay Koonfur Afrika tegi karaan viisa la’aan wixii loo gaaro sanadka cusub ee 2023-ka.

Kenyaanka doonaya inay tegaan Koonfur Afrika, ayaa ugu badnaan 90 maalmood joogi kara dalkaas sanadkiiba.

Heshiiska viisaha ee u dhaxeeya labada dal, ayaa la shaaciyay kaddib markii ay madaxtooyada Kenya ku kulmeen madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa iyo madaxweynaha Kenya William Ruto.