Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dalka Kenya waxaa ku nool kumanaan qaxooti ah, waxaana ku yaala xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo lagu tilmaamo tan ugu ballaaran dunida ee ay qaxooti ku nool yihiin.
Laakiin, dad lagu qiyaasayo ilaa iyo 40 kun oo ka mid ah dadka xeryahaasi ku nool, ma aha qaxooti dhab ah waa Kenyan iska diiwaan geliyay xeryaha si ay nolol uga helaan ama ay uga faa’ideystaan fursadaha dib u dejinta shisheeye.
Haatan dowladda Kenya ayaa wada qorshe ay ku dooneyso inay dadka Kenyanka ah ee qaxootinimada isu diwaan geliyay, ka saarto liiska qaxootinimada, si markaa ay u raadsadaan aqoonsiyadooda Kenya.