Dadka la nool HIV oo war cusub oo farxad leh loo hayo

0
85

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Saynisyahannada ayaa sheegay inay ku guuleysteen in fayraska HIV ay ka saaraan unugyada jirran, iyadoo la adeegsanayo teknolojiyadda abaal-marinta Nobel ku guuleysatay ee Crispr, taasoo lagu tifaftiro hidde-sidayaasha.

Qalabkan oo sida maqaska u shaqeeya, balse aad u yar, ayaa dhex jareysa DNA si kuwa xun looga saaro halkaas amaba saameyntooda loo demiyo.

Rajada ayaa ah inay ugu dambeyn fayraskan gebi ahaanba laga saaro jirka, inkastoo shaqo badan loo baahan yahay si loo hubiyo inay tahay mid ammaan ah isla markaana waxtar leh.