Baledweyne ( Radio Beerlula )-Dadweynaha dalka Namibia ayaa u dareeray doorashada madaxtinimada taas oo noqon karta tii ugu tartanka adkayd tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Koonfur Afrika oo caddaan maamulayay 34 sano ka hor.
Netumbo Nandi-Ndaitwah ayaa isku dayaysa inay noqoto madaxweynihii ugu horreeyay ee haween ah ee dalkaas.
Waxay ku tartameysaa magaca xisbi xaakinka, Ururka Dadka Koonfur-Galbeed Afrika (Swapo), si ay u beddesho Hage Geingob, oo geeriyooday bishii Febraayo kadib sagaal sano oo uu xafiiska joogay.
Hase yeeshee, shaqo la’aanta baahsan, saboolnimada, sinaan la’aanta iyo eedeymaha musuqmaasuqa ayaa taageerada xisbigaas hoos u dhigaya.
Namibia waxaa hadda si ku-meel-gaadh ah u maamula Madaxweyne Nangolo Mbumba, oo xilka la wareegay bishii Febraayo kadib geeridii Hage Geingob.