Baladweyne(Radio Beerlula)- Ilaa 50 milyan oo qof ayaa u dareeray goobaha codbixinta ee dalka Thailand, oo ay ka dhacayso doorashadii guud ee ugu horreysay tan iyo afgembigii sanadkii 2014.
Thailand waxaa hareeyay xasilooni darro siyaasadeed muddo sanado ah, taas oo ka dhalatay isku dhacyo dhex maray taageerayaasha milatariga iyo kuwa raysal wsaaarihii la afgembiyay ee Thaksin Shinawatra.
Kaddib markii uu milatariga xukunka la wareegay wuxuu ballan-qaaday inuu soo celin doono kala dambeynta iyo dimuqraadiyadda, balse dhowr jeer ayuu dib u dhigay doorashada.
Dad badan ayaa qaba in dastuurka cusub ee uu milatarigu soo saaray uu weli saameyn leeyahay, si walba oo ay natiijadu noqoto.
Tiro badan oo dad ah ayaa la filayaa inay codeeyaan doorashadan markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2011.
In ka badan toddoba milyan oo qof oo ay da`doodu u dhaxeyso 18-26 ayaa markii ugu horreysay loo oggolaaday inay codeeyaan.