Dadweynaha UK oo u dareeray goobaha codbixinta.

0
37

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Malaayiin reer UK ah ayaa codadkooda ka dhiibtay in ka badan 40,000 oo goob codbixineed oo ku kala baahsan England, Scotland, Wales iyo Northern Ireland.

Dadka reer UK ayaa dooran doona xildhibaanadooda cusub.

Raysal wasaaraha UK Rishi Sunak, ayaa codkiisii ka dhiibtay Koonfurta Yorkshire, isaga iyo xaaskiisa Akshata Murty ayaa la arkayey iyaga oo ku sii socda goobta cod bixinta.

Hogaamiyaha xisbiga Labour-ka ama Shaqaalaha. Sir Keir Starmer ayaa codkiisa ka dhiibtay Willingham Tenants Hall ee magaalada London si uu codkiisa ugu dhiibto, xilli ay wada socdeen xaaskiisa Victoria.

Doorashada ka hor lix todobaad ayay wadeen mushariixinta olole ay ku doonayeen inay ku soo jiidanayeen shacabka.