Dal Afrikaan ah oo joojiyay ciqaabta dilka.

0
52

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa saxiixay sharci soo afjaraya ciqaabta dilka ee dalkaas koonfurta Afrika ku yaalla.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty ayaa ammaantay go’aanka kuna tilmaantay “inuu rajo u yahay dhaqdhaqaaqa lagu cirribtirayo ee gobolka ka jira”.

Tallaabada Mnangagwa ayaa imaaneysa kadib markii baarlamaanka Zimbabwe uu u codeeyay horraantii December in meesha laga saaro ciqaabta dilka.

Zimbabwe ayaa xukunkii ugu dambeeyay ee daldalaad ah fulisay sanadkii 2005, balse maxkamadaheeda ayaa sii waday inay soo saaraan xukunno dil oo lagu fuliyo dadka gala dembiyada waaweyn sida dilka.

Guud ahaan dunida, 113 dal, oo ay ku jiraan 24 Afrika ku yaalla, ayaa si buuxda meesha uga saaray ciqaabta dilka, sida ay sheegtay Amnesty.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here