Dal Afrikaan ah oo maroodiyaal u dirayo dal Yurub ku yaalla.

0
65

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Botswana ayaa ku hanjabay in 20,000 oo maroodi ay u diri doonaan Jarmalka, kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay labada dal.

Horraantii sanadkan, wasaaradda deegaanka ee Jarmalka ayaa soo jeedisay in la adkeeyo xaddidaadda saaran koobabka laga sameeyo ugaarsiga xayawaanka.

Madaxweynaha Botswana Mokgweetsi Masisi ayaa u sheegay mid ka mid ah warbaahinta Jarmalka in tallabadaasi ay dadka dalkiisa gelineyso Fakhri hor leh.

Wuxuu sheegay in tirooyinka maroodigu ay aad u bateen natiijadaas oo ka dhalatay dadaallada ilaalinta keymaha ee Botswana, ugaarsigana uu hadda ka caawiyay in la xakameeyo si aysan faraha uga bixin.