Dal iska iibinaya yaxaasyo si loo yareeyo colaadda u dhaxaysa dadka iyo duur joogta

0
72

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Namibia ayaa iibineysa 40 yaxaas si loo yareeyo iskahorimaadyada u dhexeeya bini’aadamka iyo duurjoogta ee gobollada waqooyi-bari ee Kavango iyo Zambezi, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Kuwa xiisaynaya inay iibsadaan xamaaratada waxaa laga filayaa inay soo gudbiyaan qandaraaskooda wasaaradda deegaanka ugu dambayn 17ka July.

Afhayeen u hadlay wasaaradda deegaanka oo lagu mgacaabo Romeo Muyunda ayaa sheegay in inta badan duurjoogta dalka “ay ku sugan yihiin goobaha lagu xanaaneeyo duurjoogta ee qaranka”, taasoo ka dhigtay gobollada “in ay sii wadaan khibradda ku saabsan weerarrada yaxaasyada ee dadka iyo xoolahooda”.