Dal saddex sanno oo xabsi ah galinaya ragga 3-da dalaaq ku fura dumarka.

0
650

Baladweyne(Radio Beerlula)- Baarlamaanka dalka Hindiya ayaa meel mariyay sharci cusub oo dambi ka dhigaya furiinka dumarka ee waafaqsan shareecada islaaamka.

Dadka taageersan sharcigan cusub ayaa sheegay in uu difaaci doono xuquuqda dumarka.

Dadka lagu helo in ay ku xad gudbeen sharcigan cusub ayaa muteysan doona saddex sanno oo xarig ah.

Xisbiga haya talada dalka Hindiya ee BJP ayaa taageeray sharcigan, halka xisbiga mucaaradka ugu weyn Hindiya Congress-ka ay ka hor yimaadeen.

Sharcigan ayaa ayaa waxaa u codeeyay 99 xildhibaan, halka ay diideen 84 xildhibaan markii la hor geeyay Aqalka Sare.

Ra’isulwasaare Narendra Modi ayaa markiiba bogaadiyay sharciga cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here