Dal Yurub ku yaalla oo dadkiisa lacag ku siinaya inay kabaha toshaan

0
104

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Faransiiska ayaa bilaabaya barnaamij lacag lagu siinayo dadka inay dayactirtaan dharkood iyo kabaha intii ay tuuri lahaayeen oo ay kuwo cusub soo iibsan lahaayeen.

Laga bilaabo bisha October, lacagtan ayaa dadku ku heli doonaan qaab qiime-dhimis ah oo u dhaxeysa €6 (£5) iyo €25 (£21) halkii mar ee ay dayactir sameeyaan.

Bérangère Couillard, oo ka tirsan dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in ilaa 700,000 oo tan oo dhar ah sanad walba lagu daadiyo meelaha khashin qubka.

Ms Couillard ayaa ku boorrisay “dhammaan meelaha dharka lagu tolo iyo goobaha kabaha lagu sameeyo ay ku biiraan hannaankan”. Muhiimadda ayaa ah in la taageero shirkadaha dharka jeexma tola lana abuuro shaqooyin.

Waxay sheegtay in dowladdu ay ka go’an tahay wax ka qabashada dharka casriga ah ee mar walba lasoo iibsanayo, dadkana lagu dhiirrigeliyo inay soo iibsadaan kuwo ay dayactirtaan.

Refashion, oo ah koox codsaneysay in la sameeyo hannaankan, ayaa sheegtay in 3.3 bilyan shey oo dhar ah, kabo iyo kuwo kale sanadkii lasoo dhaafay lasoo geliyay suuqyada Faransiiska.

Balse qof walba kuma qanacsana talada dowladda ee ah in dadku ay dayactirtaan dharkooda.