Dal Yurub ku yaalla oo mamnuucay in fasallada lagu dhex isticmaalo telefoonnada.

0
147

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Aaladaha sida telefoonnada gacanta ayaa laga mamnuuci doonaa gudaha fasallada si looga hortago inay saameeyaan waxbarashada, sida ay sheegtay dowladda Holland.

Tallaabadan ayaa la soo saaray iyadoo la kaashanayo iskuullada waxana dhaqan-geli doontaa sanadka soo socda.

Ardayda qaar ee baahiyada caafimaad qaba ayaase laga dabcin doonaa tallaabadan, sidoo kale kuwa baahiyaha gaarka ah qaba iyo howlaha internet-ka u baahan ee iskuullada.

Wasiirka waxbarashada Holland Robbert Dijkgraaf ayaa sheegay in inkastoo telefoonnada gacanta ay muhiim u yihiin nolosha, haddana aan loogu talogelin gudaha fasallada.