Baladweyne (Radio Beerlula)-Dalka Spain, maamulka gobolka Catalonia ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, sababo la xiriira abaar ba’an oo ka sii daraysa oo socotay saddex sano.
Tani waxay ka dhigan tahay xaddidaadda isticmaalka biyaha ee dadweynaha Catalan ee Barcelona iyo laba boqol oo magaalo oo kale .
Dadku waxay ku koobnaan doonaan laba boqol oo litir qofkiiba in uu maalintii isticmaalo.
Dadka beeralayda ah ayaa laga doonayo inay hoos u dhigaan isticmaalkooda biyaha boqolkiiba siddeetan, iyo warshadaha afar meelood meel inay yareetaan isticmalka biyaha.