Dalal carbeed oo u ololeynaya dowlad Falastiin leedahay.

0
185

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dalal Carbeed oo ay ka mid yihiin Qatar, Sacuudiga iyo Masar ayaa si rasmi ah ugu biiray baaq caalami ah oo lagu dalbanayo in Xamaas ay hubka dhigto isla markaana ay wareejiyso maamulka marinka Qasa, si loo soo afjaro dagaalka, sida ay werisay wakaaladda wararka ee AFP.

Baaqa oo ka kooban toddobo bog ayaa waxaa ansixiyay 17 dawladood oo Carbeed, Midowga Yurub, iyo Jaamacadda Carabta, kaddib shir gaar ah oo ay wadajir ah u guddoomiyeen Sacuudiga iyo Faransiiska oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay.

Baaqa ayaa si cad u sheegay: “Si dagaalka Qasa loo soo afjaro, Xamaas waa inay joojisaa xukunkeeda Qasa, kuna wareejisaa maamulka Falastiin dhammaan hubka ay hayso, iyadoo ay arrintaas ka qeyb qaadanayaan beesha caalamka, si loo gaaro yoolka ah in la dhiso dawlad Falastiin ah oo madaxbannaan oo madax-bannaanideeda iyo qarannimadeeda la aqoonsan yahay.”

Faransiiska, oo shirkan la-guddoomiyay Sacuudiga, ayaa ku tilmaamay baaqa la soo saaray inuu yahay “mid taariikhi ah oo aan horay loo arag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here