Dalal cusub oo xubno ka noqday Golaha Ammaanka QM

0
163

Baladweyne (Radio Beerlula)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay dalalka Ecuador, Japan, Malta, Mozambique iyo Switzerland, iyagoo la wareegay kuraasta labada sano ah ee ay ku guuleysteen bishii June.

Safiirada shantan dal ayaa calamadooda ku rakibay ama ka taagay miisaska ka horeeya kuraasta ay ku fadhisatan.

Shantan safiir ayaa maalin tariikh ah ku tilmaamay ku biiristooda golaha guud ee qaramada midoobay.

Dalalka Mozambique iyo Switzerland, ayay tahay markii ugu horeysay ee ay ku ay biiran golaha qaramada midoobay,

Halka Malta ay tahay markii labaad, Ecuador markii afraad, halka Japan ay tahay markii 12-aad.