Dalal joojijay isticmaalka tallaalka Covid-19 ee AstraZeneca

0
288

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dalalka Bulgaria, Denmark iyo Norway ayaa ka mid ah dalalka hakiyay isticmaalka tallaalka tallaalka Covid-19 ee AstraZeneca sababo la xiriira inuu sababo xinjirowga dhiigga, iyadoo aysan jirin wax muujinaya inay taasi run tahay,

Balse afhayeen u hadashay WHO ayaa maanta sheegtay inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya tallaalka iyo xinjirowga dhiigga.

Margaret Harris ayaa sheegtay inay tahay “tallaal aad u fiican” oo ay tahay in la sii wado isticmaalkeeda.

Ilaa 5 milyan oo Yurub u dhashay ayaa haatanba qaatay tallaalka AstraZeneca.
Waxaa jira ilaa 30 kiis oo gudaha Yurub laga soo sheegay, kuwaas oo dadka tallaalka qaatay uu ku dhacay xinjirowga dhiigga. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in nin 50 sano jir ah uu ku dhintay Talyaaniga kaddib markii uu xanuunsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here