Baladweyne ( Radio Beerlula )-Spain ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, xilli dhanka kalena ay xoojinayaan roondada bilayska iyada oo la dirayo soddon kun oo askari oo dheeri ah, xilli ay la tacaalayaan koronto la’aan, taasoo sidoo kale saamaysay dalka ay dariska yihiin ee Portugal.
Malaayiin qof ayaa isticmaalayay shumacyo iyo nalal dabka keydiya si ay ilays ugu shitaan guryahooda. Khudbad laga sii daayay taleefishinka ayuu ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ku sheegay in kala badh awooddii korontada Spain hadda dib loo soo celiyay, laba iyo toban saacadood kaddib markii ay korontadu ka tagtay.
Khubarada farsamada ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in xidhiidhiyaha korantada ee u dhexeeya France iyo Spain uu ahaa halkii fashilku ka yimi. Laakiin Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanches wuxuu sheegay in aysan jirin sabab macquul ah oo loo aaneeyn karo waxii dhacay.
Magaalada caasimadda ah ee Madrid, dadku waxay ku farxeen oo u sacab tumeen markii nalalka dhismayaasha ay dib u shidmeen.


