Dalalka Carabta oo balaayiin doollar ku bixinaya qorshe ka hor imaanaya kii Trump iyo Israa’iil ee Qasa

0
132

Baladweyne (Radio Beerlula)-Qorshe dib u dhis oo ku kacaya qarash dhan 53 bilyan oo doollar oo lagula dagaallamayo fikradda madaxweyne Donald Trump ee ah in Maraykanku “la wareego Qasa” oo uu ka saaro in ka badan laba milyan oo Falastiiniyiin ah ayaa waxaa ansixiyay hoggaamiyeyaasha Carabta shir kadib degdeg ah oo ka dhacay caasimadda Masar ee Qaahira.

“Qorshaha Masar hadda waa qorshe Carbeed,” ayuu kyiri Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuul Qayd oo gunaanadkii shirkan oo saacado qaatay ka hadlay.

Isaga oo aan si gaar ah carabka ugu dhufan fikradaha madaxweyne Trump, waxa uu hoosta ka xarriiqay in “mawqifka Carabta uu yahay in la diido barakicin kasta, ha ahaato mid ikhtiyaari ah ama mid Khasab ah”.

Masar waxay soo saartay hannaan faahfaahsan, oo leh dukumeenti ka kooban 91 bog oo ay ku jiraan sawirrada xaafadaha iyo dhismayaasha waaweyn oo ah kuwa dadweyne, si ay uga hortagaan qorshaha Maraykanka ee Falastiiniyiinta looga rarayo Qasa, kaas oo ka yaabiyay dunida Carabta iyo dalal kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here