Dalalka ugu saboolsan dunida oo xaaladoodu sii xumaneyso

0
10

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Warbixin cusub oo Axaxddii shalay kasoo baxday Bankiga Adduunka ayaa muujisay, in 26-ka waddan ee ugu saboolsan caalamka oo ay ku noolyihiin boqolkiiba 40 dadka ugu faqrisan dadyoowga caalamka, lagu leeyahay deyn ka badan inti hore ee lagu lahaa tan iyo 2006-dii.

Warbixinta ayaa intaasi raacisay in waddamadaasi ay sii kordhayso u nugulaanta masiibooyinka dabiiciga.

Warbixintan ayaa lagu ogaaday in dhaqaalaha dalalkaasi uu celcelis ahaan hadda ka liito sidi ay ahaayeen, ka hor inti uusan dunida ka dillaacin masiibadi cudurka COVID-19, xilli dunida inteeda kale ay si weyn uga soo kabsadeen COVID oo ay dib u bilaabeen qaabka koritaanka dhaqaalaha.

Inta badan dalalka daraasaddan laga sameeyay ayaa u badan dalalka Africa ee saxaraha ka hooseeya, laga soo billaabo Ethiopia, Chad ilaa Congo, waxaase liiska sidoo kale ku jira dalal ay ka mid yihiin Afghanistan iyo Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here