Dalalka UK, Canada iyo Australia oo aqoonsaday dowladda Falastiin.

0
107

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraaha dalka Canada Mark Carney ayaa sheegay laga bilaabo maanta, “Canada waxay aqoonsan tahay dawladda Falastiin”.

War qoraal ah oo lagu daabacay akoonkiisa X, Carney wuxuu yiri: “Canada waxay aqoonsan tahay Dawladda Falastiin waxayna bixineysaa iskaashiyada dhismaha ballan-qaadka mustaqbalka nabdoon ee labadaba Dawladda Falastiin iyo Dawladda Israa’iil.”

Ra’iisal wasaaraha daklka UK Keir Starmer ayaa isna ku dhawaaqay in UK ay aqoonsatay dowlad Falastiini ah.

“Maanta, si loo soo nooleeyo rajada nabadda ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta, iyo xal laba dawladood ah, Boqortooyada Ingiriiska waxay si rasmi ah u aqoonsan tahay Dawladda Falastiin,” ayuu yiri raysal wasaaraha Ingiriiska.

Sidoo kale dowladda Australia ayaa ku dhawaaqday inay aqoonsatay dawlad Falastiini ah, iyadoo ku biirtay Canada oo ah waddankii labaad ee G7 ee si rasmi ah u aqoonsada dowladda Falanstiin.

Dowladda Falastiin ayaa waxaa horey u aqoonsanaa 147 dal oo ka mid ah 197 dal ee ku mideysan qaramada midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here