Dalalka Yurub ee xubnaha ka ah NATO oo lacagtii ugu badnayd ku bixinaysa difaaca.

0
49

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xoghayaha gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in sannadkani uu yahay, sannadkii ay dalalka Yurub ee xubnaha ka ah isbahaysigu, ay dhinaca difaaca la wadaago ku bixinayaan lacagtii ugu badnayd, tan iyo markii ururkaas la aasaasay.

Xoghayaha NATO ayaa sheegay in dalalka Yurub ay guud ahaan lacag gaadhaysa $380 Billion oo dollar ay ku bixinayaan dhinaca difaaca.

18 dal oo ka mida 31 dal ee xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ayaa bixinaya guud ahaan qaadhaanka laga rabo inay siiyaan Isbahaysiga NATO.

Dal kasta oo xubin ka ah NATO ayaa laga rabaa inuu difaaca la wadaago ku bixiyo 2% oo ka mida wax-soosaarka gudaha ee dalkaas ama GDP.