Dalka Afrika ka mid ah oo la hirdemaya xanuun cusub

0
186

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku baaqay in la qabto kulan degdeg ah oo ku saabsan faafitaanka fayraska Marburg ee ku sii baahaya dalka Equatorial Guinea.
Sagaal qof ayaa u dhintey qandhada dhiigbaxa keenta, waxaana jira lix iyo toban kale oo kiis kuwaas oo looga shakisan yahay xanuunka kuna sugan gobolka bariga Kie Ntem, halkaas oo cudurka aan hore looga diwaangelin.
Dhimashada ayaa si toos ah ula xidhiidha kaqaybgal aas, oo qoys afar ka koobani ay iyagu is qaadsiiyeen. Fayraskan ayaa rumaysan yahay in ay gudbiso oo laga qaaday fiidmeer , sida ebolaha oo kale taas oo dadku ay isku gaadhsiiyaan in dheecannadoodu is gaadhaan.