Dalka Jabuuti oo ku guuleystay guddoonka Baarlamanka Afrika

0
376

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka midoobay ee Qaaradda Afrika.

Maxamed Cali Xumad Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa xilkaasi loo doortay, wuxuuna bedali doonaa Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Burkina Faso, Alassane Bala Sakandé, kaas oo muddo hayey jagadaas.

Guddoomiye Xumad oo ka hadlay guushiisa ayaa sheegay in tani ay fursad u tahay dhammaan dalalka ku yaalla Geeska Afrika.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dalalka qaaraddu ay baahi weyn u qabaan isu dhawaansho iyo is dhexgal dhinacyo badan oo u daneynaya shucuubta qaaradda ku nool.

Waxa uu tilmaamay in ay taagero lixaad leh lala garab istaagi doonaan xoojinta dimuqraadiyadda qaaradda ee dhinaca xukunka iyo siyaasadda.

Jabuuti ayaa muddooyinkii la soo dhaafay dadaallo xoogan ka waday gobolka, si ay uga mid noqoto dalalka ugu horreeya xaga hoggaanminta, iyadoo sanadka 2020-ka Kenya kula tartami doonta kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here