Dalka Nicaragua oo marin sahlan u noqday dadka u tahriibaya Maraykanka

0
102

Baladweyne ( Radio Beerlula )Dalka Nicaragua ayaa xuddun u noqday muhaajiriinta isaga kala imanaya dalalka caalamka ee doonaya inay soo gaadhaan Maraykanka, kuwaas oo markii hore soo mari jiray jidad halis badan iyo deegaano kaymo ah oo khatar badan.

Muhaajiriinta ka imaya Americada Koonfureed, dalalka Caribbean-ka, Afrika iyo Asia ayaa markii hore ku dhiiran jiray inay soo maraan, kaymaha halista badan iyo dhulka aan sharciga adagi ka jirin ee u dhexeeya Colombia iyo Panama, si ay u soo gaadhaan Maraykanka.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in xukuumadda ka talisa dalka Nicaragua ee uu hoggaamiyo madaxweyne Daniel Ortega inay si ula kac ah ugu fududaynayso muhaajiriintu inay dalkeeda soo maraan si ay u gaadhaan Maraykanka.

Manual Orozco oo ah khabiir dhinaca socdaalka ah oo la shaqeeya hay’adda Inter-American Dialogue ee fadhigeedu yahay Washington ayaa u sheegay AFP in xukuumadda madaxweyne Daniel inay fududaynayeen “ganacsi isku xidha adeegyada duulimaadka oo caalami ah” si ay muhaajiriintu “si degdeg ah ugu gaadhi karaan xadka u dhexeeya Maraykanka iyo Mexico”