Dani Alves Oo Doonaya Inuu ku biiro Arsenal

0
289

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dani Alves ayaa diyaar u ah inuu mushahar dhimis sameeyo oo uu xagaagan ku biiro Arsenal.

Daafaca midig ee Brazil oo 36 sanno jir ah ayaa u soo muuqday xiddiga diirada u saaran tababaraha Arsenal Unai Emery ka dib markii ciyaaryahankaan uu dhacay qandaraaskiisii uu ku joogay PSG.

Wargeyska The Sun ayaa qoray in Alves uu diyaar u yahay inuu la midoobo Unai Emery madaama ay tababaraha Arsenal iskula soo shaqeeyeen waqtigoodii PSG.

Inuu u wareego Emirates Stadium ayaana si weyn u soo jiidaneysa Alves waqti xaadirkaan isagoo doonaya inuu qaado talaabo kale oo ku horumarinayo waayihisa ciyaareed.

Alves ayaa haatan fasax ku maqan ka dib markii uu Brazil ka caawiyay hanashada Copa America laakiin waxaa la sheegayaa inuu doonayo inuu u wareego Premier League.

Ciyaaryahankii hore ee Barcelona ayaa mushahar gaaraya 230 kun ginni ka qaadayay PSG, waxaana uu diyaar u yahay inuu mushahar dhimis u sameeyo Arsenal.

Laakiin sharuudiisa ayaa ah inay Arsenal bixiso mushahar gaaraya 200 kun ginni isbuucii iyadoo la ogsoon yahay in Arsenal ay dhaqaale yari heyso xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here