Dani Carvajal Oo Daboolka Ka Rogay Waxa Sababay Guushii Dirqiga Aheyd Ee Kooxdiisa Ka Gaartay Osasuna

0
73

Baledweyne ( Radio Beerlula )- Kabtanka Real Madrid Dani Carvajal ayaa ka hadlay kulankii guusha ay kooxdiisu ka gaartay Osasuna, isagoo qirtay in kooxda ay dareentay saameyn la xiriirta diyaar garow la’aan.

Carvajal ayaa yiri kadib ciyaarta:
“Si dhab ah ayaan ugu faraxsanahay inaan ku ciyaaro garoonkayga, waxaan dareemayaa jacayl weyn, waxaana maskaxda ku hayaa kulanka Sabtida ee Oviedo. Bilowga wanaagsan waa furaha guusha horyaalka. Waan ognahay kooxda inuu dhib ka haysto diyaar garow la’aanta, balse bandhiggeennu si weyn ayuu u soo hagaagay.”

Guusha Madrid ayaa timid kaddib markii Kylian Mbappé uu dhaliyay goolka guusha oo ahaa rigoore. Inta badan ciyaarta, Los Blancos si sahlan ayay u xakameeyeen ciyaarta iyaga oo aan si weyn loo dhibaateyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here