Baladweyne ( Radio Beerlula )-In ka badan 90 bukaan oo caruur ah oo baahiyaha gaar ka ah qaba ayaa daweyn iyo qaliino lacag la’aan ah loogu sameynaya isbitalka Somcare ee magaalada garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.
Bukaanada caruurta ah ee qaba baahiya gaarka ah ayaa qaliinkoodu la xiira sidii loogu hagaajin lahaa caruurta faruuranka iyo kuwa dhanxanaga wax ka qaba kuwaas oo loo sameynayo qaliino gudaha ah oo lagu toosinayo faruuryaha.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Aadan Cabdi Axmed.


