Daraasad lagu ogaaday in Xayawaan caan ah uu daawo u noqon karo kansarka.

0
136

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Daraassada ay sameeeen saynisyahanno ayaa muujinaya in xayawaan ku nool saxaraha uu daawo u noqon karo cudurka Kansarka.

Xayawaanka faaranfarka oo inta badan ah mid laga helo dalalka Afrika, iyo keymaha ayay khuburradu sheegeen in uu noqon karo mid loo isticmaalo daaweeynta cudurka kansarka.

Cilmi baaristaan oo diiradda lagu saaray sida bini’aadamku ugu noolaan karo nolol caafimaad leh iyo cimri dheer ayaa lagu sheegay in xayawaanka uu noqon karo mid lagu daaweeyo cudurka oo aan horey u jirin daawo sax ah oo loo hayo.

Xaywaanka ayaa noolaan kara celcelis ahaan dhowr boqol oo sano, waxaa uu u adkaysan karaa cudurrada daba dheeraay oo ay ka mid yihiin macaanka, waxayna leeyihiin nidaam taran oo xiiso leh oo iyaga u gaar ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here