Daraasad soo bandhigtay in Socodka ama lugeysa uu ka hortaga cuduro badan.

0
155

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Cilmibaarista oo lagu daabacay wargeyska caafimaadka ee Lancet waxaa lagu ogaaday in socodka uu yareeyo dhibaatooyin caafimaad sida kansarka, asaasaqa iyo cudurada wadnaha.

Natiijooyinka ayaa dad badan ku dhiirogelinaya in ay la socdaan tallaabooyinkooda si ay kor ugu qaadaan caafimaadkooda sida cilmibaarayaashu sheegeen.

Khuburada dhanka caafimaadka ee sameeyay cilmibaaristan ayaa sheegay in socodka uu hoos u dhigay Cudurada wadnaha 25 %,
Kansarka 6% , Asaasaqa 38% iyo 22% xanuunada niyad jabka.

Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa sheegtaa in looga baahan yahay in dadka waa weyn ay sameeyaan ugu yaraan 150 daqiiqo oo jimicsi ah ama 75 daqiiqo oo ah jimicsi xooggan toddobaad kasta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here