David de Gea oo si rasmi ah u Saxiixay Qandaraas Cusub oo Ka dhigay Xiddiga ugu Mushaharka Badan Man United

0
317

Baladweyne(Radio Beerlula)- Manchester ayaa goordhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqday in goolhaye David de Gea uu qalinka ku duugay heshiis afar sannadood ah iyo sannad kale oo uu ku darsan karo isagoo noqday xiddiga ugu mushaharka badan kooxda.

Goolhayaha koowaad ee Man United ayaa saxiixay qandaraas cusub oo uu xilli ciyaareedkii ku qaadanayo 13.3 milyan ginni canshuurta ka dib, taasoo ka dhigeysa xiddiga ugu mushaharka badan kooxda.

Mushahar kordhinta loo sameeyay goolhayaha reer Spain ayaa la micno ah inuu haatan ka sarre maray Paul Pogba.

Heshiiska cusub ee uu saxiixay De Gea ayaa soo gabagabeynaya wararki la xiriirinayay inuu xiddiga reer Spain ka tagayo kooxda.

Waxaa horaantii xagaagan lala xiriiriyay kooxaha Paris Saint-Germain iyo Juventus laakiin De Gea ayaa sheegay inuu jecel yahay Red Devisl sida uu saxaafada u sheegay tababarihiisa Ole Gunnar Solskjaer.

David de Gea oo 29 sanno jir ah ayaa Manchester United uga soo biiray kooxda Atletico Madrid sannadii 2011 isagoo u saftay ilaa iyo 367 kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here