Dawo cusub oo xanuunka sokorowga lagu daweeyo oo la ansixiyey

0
135

Baladweyne (Radio Beerlula)-Daawada difaaca jirka ayaa waxaa ansixiyay maamulka daawooyinka Mareykanka taas oo dib u dhigaysa faafidda nooca 1aad ee sonkorowga.
Khubarada ayaa sheegay in dawada teplizumab ay tahay “waa cusub” oo u baryay daawaynta sonkorowga.

Dawadan ayaa la tacaalaysa sababta asalka u ah macaanka marka ugu horreysaysaba.

Waxay u shaqeysaa iyadoo dib u habeyn ku sameynaysa habka difaaca jirka si ay u joojiso inay si qalad ah u weerarto unugyada dheef-shiidka ee soo saara maaddada sokorta ee loo yaqaanno “insulin”.

Waxay u badan tahay inay tallaabadan u gogol xaarto in dalalka kalena ay ka fakafraan inay ansixiyan dawadan.

Qiyaastii 8.7 milyan oo qof ayaa qaba nooca 1aad ee cudurka sonkorowga adduunka oo dhan. Gudaha UK waxaa macaanka nooca koowaad qaba 400,000 oo qof, oo ay ku jiraan in ka badan 29,000 oo carruur ah.