Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Dhoobley ayaa laga daahfuray mashruuca dhismaha wadada halbowlaha u ah degmada Dhoobley iyada oo aay iska gaashanayaan mashruucan Wasaaradda Howlaha guud iyo maamulka degmada Dhoobley
Madasha lagu daahfurayey mashruucan waxa goobjoog ahaa agaasimaha xafiiska Degmada Dhoobley Cabdiwahaab Maxamed gudoomiyaha Degmada Dhoobley Xassan Cabdi Xaashi iyo Taliyaha amniga guud ee degmada Dhoobley Maxamed Heeybe
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.