DEADLINE DAY!! Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Maalinta Ugu Dambaysa Suuqa Kala Iibsiga January

0
116

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Arsenal ayaa baadhaysa heshiis ay ugu dhaqaaqi karto khadka dhexe ee Chelsea ee Jorginho oo heshiiskiisu xagaaga dhacayo. (Football London)

Paris St-Germain ayaa rajaynaysa inay inta xilli ciyaareedka ka dhiman amaah kula wareegto garabka Chelsea ee Hakim Ziyech oo doorbidaya kooxdaas halkii uu koox Premier League ah kaga biiri lahaa. (L’Equipe)

Arsenal ayaa sidoo kale ka fikiraysa inay dalab ka gudbiso khadka dhexe ee Leicester ee Youri Tielemans oo heshiiskiisa Foxes isagana xagaaga dhacayo. (90min)

Manchester United kabtankeeda Harry Maguire ayaa diiday dalab uga yimid Inter Milan balse booskiisa kooxda dib u qiimayn ku samayn doona xagaaga. (Daily Star)

Tottenham ayaa kusii dhawaanaysa saxeexa daafaca midig ee Sporting Lisbon ee Pedro Porro oo ay 45 Milyan oo euro ka bixinayaan. (Telegraph – subscription required)

Sporting Lisbon ayaa ku bedeli doonta Pedro Porro daafaca Barcelona ee Hector Bellerin. (Fabrizio Romano)

Manchester United 10 dalab ayay u haysaa garabkeeda weerar ee Anthony Elanga waxaana kamid ah Dortmund iyo PSV balse tababare Ten Hag ma doorbidayo inuu fasaxo. (FourFourTwo)

Liverpool ayaa xagaaga si lama filaan ah ugu dhaqaaqi karta N’Golo Kante oo heshiiskiisa Chelsea dhacayo si ay khadkeeda dhexe ugu soo xoojiso. (El Nacional – in Spanish)

Tottenham daafaceeda midig ee Djed Spence ayaa amaah ugu biiraya kooxda Rennes inta xilli ciyaareedk ka dhiman, (Athletic – subscription required)

Bournemouth ayaa ku dhaw saxeexa khadka dhexe ee kooxda Sassuolo ee Hamed Traore. (90min)

Southampton ayaa kooxda Braga kala heshiisay inay bixiso 30-ka Milyan ee euro ee lagu jabin karo heshiiska weeraryahan Vitinha.(Football Insider)

Newcastle ayaa khadka dhexe ee Sheffield United ee Sander Berge u aragta bedelka Shelvey oo Nottingham kaga biiraya. (Newcastle Chronicle)

Chelsea waxay qorshaynaysaa inay xilli dambe isku daydo saxeexa Moises Caicedo oo Brighton ka tirsan xataa haddii ay dhammayso midka Enzo Fernandez. (90min)

Chelsea lacag badan ayay ku doonaysaa si ay Jorginho ugu fasaxdo Arsenal, Mikel Arteta ayaa taageere weyn u ah khadka dhexe ee Talyaaniga ah. (Fabrizio Romano)

Barcelona waxay isku dayi doontaa saxeexa khadka dhexe ee Morocco iyo kooxda Fiorentina ee Sofyan Amrabat kahor xidhitaanka suuqa. (Gerard Romero)

Gennaro Gattusso ayaa laga caydhiyay shaqadii tababarenimo ee Valencia. (Valencia)

Isco wuxuu heshiis ilaa 2024 ah ugu biirayaa kooxda horyaalka Bundesliga u tartamaysa ee Union Berlin. (COPE)