Declan Rice Oo Xasuusiyey Mikel Arteta Booska Uu Jecel Yahay In Laga Ciyaarsiiyo

0
96

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Declan Rice ayaa u sheegay tababare Mikel Arteta booska uu jecel yahay in laga ciyaarsiiyo, kaddib markii booskaas laga beddelay ee loo riixay dhaxda hore kulankii Champions League ee ay guusha 2-0 ah ka gaadheen Sevilla Arbacadii.

Mikel Arteta ayaa waxa uu ciyaartii Sevilla geeyey Rice booska No.8, iyadoo booska kubbad-burburiyahana uu ka dheelayay Jorginho oo isaguna si fiican u ciyaaray.

24 jirkan oo ay Arsenal kasoo iibsatay West Ham xagaagii, ayaa waxa uu inta badan ka ciyaarayay booska No.6 ee kubbad-burburiyaha, laakiin waxa uu sidoo kale ka ciyaari karaa boosas kale oo khadka dhexe, kuwaas oo uu tababare Mikel Arteta doonayo inuu uga faa’iidaysto marka ay baahi timaaddo.

Declan Rice oo la hadlay telefishanka TNT ayaa hadal u muuqday farriin ku socda taabare Mikel Arteta waxa uu ku yidhi: “Anigu booska aan ugu fiicanahay waa No.6. Waxa aan ku fiicanahay in aan ciyaarta ka dilo ciyaartoyda kale, kubaddana kasoo qaado difaaca oo aan khadka dhexe keeno.

“Waxa kale oo aan ka helaa in aan ka ciyaaro booska No.8, , ciyaarta ayaan dhinac kaga imaaddaa, mana joojiyo orodka. Laakiin booska aan ugu jecelahay waa No.6”