Deegaanka Farjano ee gobolka Nugaal oo laga daah furay tababar ku saabsan ilaalinta deegaanka

0
339

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha degmada Burtinle ee gobolka Nugaal Cabdirisaaq Dihaal ayaa deegaanka Farjano ka daah furay tababar ku saabsan ilaalinta deegaanka iyo mareynta kheyraadka dabiiciga.

Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Farjano ee gobolka Nugaal.

Agaasimaha waaxda isbedelka  cimilada wasaaradda deegaanka Beeraha iyo isbedelka cimilada Puntland Maxamed Ciise iyo guddoomiyaha degmada Burtinle Cabdirisaaq Dihaal ayaa si wada jir ah xubnaha ka qeyb galaya tababarka ugu booriyay inay ka faa’ideystan islamarkana ay gaarsiiyaan bulshada inteeda kale.

Qaar ka mid ah xubnaha ka qeyb galaya tababarkan ayaa ballan qaaday inay ka faa’ideysan doonaan islamarkana ay gaarsiin doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

Warbixintan waxaa noo haya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here