Deeq gargaar ah oo loogu talo galay dadka daadadka sameeyeen oo lagu wareejiyay Wasaaradda Gargaarka Jubbaland.

0
49

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kula wareegay deeq raashin ah oo u badan Timir taas oo hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ay soo gaarsiiyay Jubbaland.

Deeqdan oo gaaraysa ilaa toban tan ayaa loogu tala galay dadka danyarta ah ee ay saameeyeen fatahaadda Elnino, gaar ahaan kuwa ku barakacay deegaanada waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Yuusuf  Cabdulaahi.