Baladweyne (Radio Beerlula)- Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud ayaa 25,000 oo dollar ku wareejiyay Gudiga gacanta ku haayo dhismaha masjidka jaamica ee magaalada Guriceel.
Lacagtaan oo laga soo aruuriyay qaar ka mid ah Bulshada ku nool magaalada Guriceel islamarkana aay ugu talagaleen in ay kaga qeeyb qataan dhismaha masjidka ayaa munaasabadda lagu wareejinayay waxaa goob joog odayaal iyo Gudiga masjidka.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdinajiib Aweys Isaaq