Deeq lacageed oo loo qeybiyay caruur agoon ah iyo danyar ah oo ku nool Burco.

0
144

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa deeq lacageed loogu qeybiyay in ka badan 100 caruur ah oo iskugu jira agoon iyo danyar.

Deeqdan lacageed ayaa loogu talo galay in caruurtan loogu iibiyo dharka ciida si ay uga qeyb qaatan farxada ciida iyadoona deeqdan lacageed ay bixiyeen ururka Agoon Kaab.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.