Deeq raashiin ah oo loo qeybiyay danyar ku nool magaalada Wasil.

0
141

Baladweyne (Radio Beerlula)-Qoysas ku nool Magaalada Wasil ee gobolka Mudug ayaa loo qeybiyay deeq raashin ah oo iskugu jirta Bur, Bariis iyo Timir taas oo ka timid Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka.

Qeybinta deeqdan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Magaalada Wasil ee Gobalka Mudug Cali Xasan Guuleed iyo agaasimaha Wasaaradda Gargaarka Galmuduga Cumar Xasan Xaaji.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Sacdiyo Maxamad Maxamuud.