Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay xabsiga dhexe ee Baladweyne

0
461

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiiyay xabsiga dhexe ee magaalada Baladweyne kaasoo ku yaalla xaafadda Buundo weyn.

Cali Maxamed Caraale iyo xubnaha la socday ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay xabsiga si ay u ogaadan nolosha maxaabiista ku jirta xabsiga kuwaasoo gaaraya 38 maxbuus.

ku simaha taliyaha ciidamada asluubta gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Guure ayaa sheegay in durufo kala duwan ay ka jiran xabsiga isagoo ka mahad celiyay deeqdan raashinka.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa sheegay inuu si dhow ula socon doono xaaladda ka jirta xabsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here