Deeq Raashin ah oo la gaarsiyay qoysas danyar ah oo ku nool deeganada hoostago Burco

0
167

Baladweyne (Radio Beerlula)-Hay’adda keydka raashiika iyo aafooyiinka maamulka Somaliland ayaa deeq raashin ah gaarsiisay inkabadan 150 qoys oo ku nool deegaanka taallo-buur ee gobalka Togdheer kuwaas oo ay saameeyeen roobabka iyo daadadka.

Deeqdan ayaa isugu jirtay Bariis, Bur, Baasto, Timir Saliid , Bac iyo bustooyiin kuwaas oo loogu talo galay dadka ay saameeyeen daadadka iyo roobabka ka curtay deegaankaasi.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.