Baladweyne (Radio Beerlula)-Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa lasoo gabogabeeyey maanta, waxaana la xaqiijiyey afarta kooxood ee usoo gudbay tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe ka qayb-geli doona tartamada qaaradda Yurub iyo naadiyada heerka labaad u dhacay.
Manchester City oo ku guuleysatay horyaalka Premier League sannadkii afraad oo xidhiidh ah ayaa waxa horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League u raaci doona saddexda kooxood ee Arsenal oo kaalinta labaad ku dhamaysatay, Liverpool oo booska saddexaad gashay iyo Aston Villa oo ku dhamaysatay kaalinta afraad.
Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA oo kordhiyey tirada naadiyada ka qayb-gelaya Champions League xilli-ciyaareedka soo socda oo ka dhigay 36 naadi halkii uu hore uga ahaa 32 naadi, ayaan horyaalka Premier League wax kooxo ah oo dheeraad ah laga siinin, maadaama qiimaynta kala-xulishta ee UEFA ay ka sarreeyeen horyaallada Bundesliga iyo Serie A oo min hal koox oo dheeraad ah helay, halka labada kooxood ee kalena ay UEFA shaacin doonto.
Labada kooxood ee reer London ee Tottenham iyo Chelsea oo ku dhamaystay kaalmaha shanaad iyo lixaad ayaa iska xaadiriyey Europa League, inkasta oo uu isbeddel ku iman karayo haddii ay Man United ku guuleysato tartanka FA Cup, halka Newcastle United ay kasoo qayb-geli doonto tartanka ay kooxaha waaweyn neceb yihiin ee UEFA Conference League.
Dhinaca kale, saddexda kooxood ee Sheffield United, Burnley iyo Luton Town ayaa ka dhacay sallaanka horyaalka Premier League oo heerka labaad u daadegay.